Dowladda Suudaan ayaa Arbacadii diidday soo jeedinta Itoobiya ee martigelinta iyo fududeynta wadahadallo loo dhan yahay oo dhex mara dhinacyada Suudaan, iyadoo su’aal gelisay dhexdhexaadnimada Addis Ababa.
Bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Rasmiga ah ee Suudaan (SUNA), ayay dowladdu ku sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu Talaadadii ku casuumay dhinacyada Suudaan inay ka qeybgalaan wadahadallo furan oo dhameystiran, kuwaas oo ay Itoobiya martigelineyso isla markaana fududeyneyso.
Waxay sheegtay in “dhexdhexaadnimada dalka martigelinaya iyo ixtiraamka madax-bannaanida Suudaan ay yihiin shuruudo lama huraan u ah aqbalaadda door kasta oo laga qaadanayo hannaanka wadahadallada.”
Dowladda ayaa ku celisay eedeymaheeda ah in Itoobiya “ay taageerto ciidamada fallaagada ah ee Taageerada Degdegga ah (RSF)” iyo in “diyaarado aan duuliye lahayn laga soo diray dhulka Itoobiya si loo beegsado Suudaan.”
Iyadoo tixraaceysa eedeymahaas, ayay dowladdu sheegtay in Dowladda Itoobiya “aysan buuxin shuruudda dhexdhexaadnimada ee looga baahan yahay martigelinta ama fududeynta wadahadallada.”
Khartuum ayaa ku baaqday “baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo xaqiiqooyinka laguna caddeynayo cidda mas’uuliyadda leh.” Waxay sheegtay inay xaq u leedahay qaadista tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax-bannaanida Suudaan.
Waxay sidoo kale ugu baaqday Midowga Afrika iyo dhinacyada ay arrintani khuseyso ee heer gobol iyo heer caalami inay ixtiraamaan mowqifkeeda, isla markaana Itoobiya laga reebo qabanqaabo kasta oo la xiriirta martigelinta ama fududeynta wadahadallada.
Abiy ayaa Talaadadii sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay martigelinta iyo taageeridda wadahadal qaran oo loo dhan yahay oo ay ka qeybgalayaan dhinacyada militariga, siyaasadda iyo bulshada rayidka ah ee Suudaan. Waxa uu sheegay in ujeeddadu tahay soo afjaridda dagaalka iyo u gogol xaarka dhismaha dowlad midnimo qaran oo si ballaaran loo wada aqbalo.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ayaa qarxay bishii Abriil 2023, kadib khilaaf ka dhashay ku biirinta ciidamada RSF ee ciidamada rasmiga ah ee dalka.
Dagaalka ayaa galaaftay nolosha tobannaan kun oo qof, barakiciyay malaayiin qof, isla markaana sababay burbur baahsan oo soo gaaray kaabayaasha rayidka, oo ay ku jiraan isbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka.















