Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda Qatar ee walaalaha ah, hoggaankeeda iyo shacabkeeda, kadib geerida xubin ka tirsan Ciidamada Badda Amiiriga Qatar oo ku geeriyooday gudashada waajibaadkiisa shaqo.
Soomaaliya waxay garab taagan tahay Qatar, waxayna Alle uga baryeysaa marxuumka inuu u naxariisto, qoyskiisana uu samir ka siiyo.
XIGASHO:SONNA















