| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Jabuuti iyo Madagaskar oo kala saxiixday saddex heshiis, kana wada hadlay iskaashiga badda
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Madagaskar, Michael Randrianirina, ayaa magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, amniga badda, horumarinta dekedaha iyo iskaashiga dhaqaalaha
Jabuuti iyo Madagaskar oo kala saxiixday saddex heshiis, kana wada hadlay iskaashiga badda
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Madagaskar, Michael Randrianirina / Others
 

Jabuuti iyo Madagaskar ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, kaddib wadahadallo ay Talaadadii yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Madagaskar, Michael Randrianirina, oo Jabuuti ku tagay booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah.

Heshiisyada ayaa ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal, wadatashiyada joogtada ah ee diblomaasiyadeed iyo in dal-ku-galka laga dhaafo dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed, kuwa rasmiga ah iyo kuwa adeegga dowladda.

Madaxweyne Randrianirina ayaa safarkiisa ku tilmaamay booqasho taariikhi ah oo ka tarjumaysa rabitaanka labada dal ee xoojinta xiriirkooda.

“Saxiixa heshiisyadan ayaa durba natiijo la taaban karo u yeelaya booqashadan taariikhiga ah,” ayuu yiri Randrianirina.

Jabuuti iyo Madagaskar oo xoojinaya iskaashiga dekedaha

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Jabuuti, amniga badda, horumarinta dekedaha iyo adeegyada saadka ayaa ka mid ahaa qodobbada ugu muhiimsan ee wadahadallada labada madaxweyne.

Madaxweyne Geelle ayaa soo jeediyay in la dhiso guddi wadajir ah oo qaabilsan iskaashiga dekedaha labada dal.

“Iskaashigani wuxuu dabooli karaa dhinacyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga khibradaha maamulka dekedaha, tababarrada, casriyeynta adeegyada saadka iyo horumarinta kaabayaasha gaadiidka iyo maaraynta xamuulka,” ayuu yiri Geelle.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay isbeddelka cimilada iyo sidii dalalka soo koraya ay u heli lahaayeen maalgelin caalami ah oo dheeraad ah.

Madaxweyne Geelle ayaa ku baaqay in si caddaalad ah loo qaybiyo dhaqaalaha loogu talagalay wax ka qabashada isbeddelka cimilada, gaar ahaan taageerada dalalka sida weyn ugu nugul saameyntiisa.

Barnaamijka booqashada Madaxweynaha Madagaskar iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ah kormeer ay ku tagayaan dekedaha Jabuuti, xarunta warshadaha iyo tamarta ee Damerjog iyo xarumaha shirkadda isgaarsiinta ee Djibouti Telecom.

Booqashooyinkan ayaa looga gol leeyahay in lagu soo bandhigo horumarka ay Jabuuti ka samaysay kaabayaasha dhaqaalaha, laguna sahamiyo fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee labada dal.

XIGASHO:TRT SOMALI