Turkiga ayaa dib u xaqiijiyay ballanqaadkiisa ku aaddan xoojinta Ciidanka Badda iyo amniga badaha Soomaaliya, isagoo soo bandhigay qorshayaal lagu horumarinayo kaabayaasha ciidanka badda, isla markaana lagu ballaarinayo iskaashiga ka dhanka ah burcad-badeednimada, argagixisada, iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah.
Ku-dhawaaqistan ayaa daba socota munaasabaddii 21-kii Nofeembar magaalada Muqdisho lagu dhagax-dhigay xarumo cusub oo uu yeelanayo Ciidanka Badda Soomaaliyeed, taas oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Soomaaliya iyo Turkiga.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, oo Khamiistii ka hadlay shir jaraa’id oo toddobaadle ah, ayaa sheegay in mashaariicdanni ay qayb ka yihiin Heshiiska Qaab-dhismeedka Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay labada dal wada saxiixdeen.
Sida ku cad heshiiska, Ankara ayaa Soomaaliya ka taageeraysa ilaalinta xeebaheeda, biyaha gudaha, iyo aagagga badda si looga hortago khataraha amni ee ay ka mid yihiin argagixisada, burcad-badeednimada,kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyo ka-ganacsiga sharci-darrada ah.
Iskaashigan ayaa sidoo kale daboolaya tababarka iyo kor-u-qaadista awoodda Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena laga shaqeynayo sidii Soomaaliya ay dhaqaale ahaan uga faa’iideysan lahayd khayraadkeeda badda.
“Xarumaha ciidanka badda ee la dhagax-dhigay waxaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo amniga badaha iyo kaabayaasha milatari ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay taageerada Turkiga
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga, ayaa ammaanay kaalinta Turkiga ee dib-u-dhiska awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya, isagoo xusay ahmiyadda istiraatiijiga ah ee ilaalinta xeebaha ballaaran ee dalka.
“Amnigeennu wuxuu ku xiran yahay ilaalinta baddeenna. Amniga qaaradda Afrika iyo gobolka Geeska Afrika ayaa ku xiran ilaalinta baddeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Amniga adduunka, ganacsiga, iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ayaa sidoo kale ku xiran baddeennu inay ammaan ahaato.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay khasaare ballaaran kala kulantay kalluumeysiga sharci-darrada ah, dembiyada badda, iyo boobka khayraadka badda muddo tobannaan sano ah oo uu dalku lahaa awood ciidan badeed oo kooban.
Waxa uu uga mahadceliyay Turkiga khibradda milatari, saraakiisha, iyo taageerada dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya, isagoo iskaashigan ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah soo celinta awoodda difaaca badda ee dalka.
Isagoo difaacaya heshiiska labada dal kaddib dhaliilo horay loogu jeediyay, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in iskaashigani uu Soomaaliya u horseeday faa’iidooyin la taaban karo.
“Ilaa iyo maanta, walaalayaal, faa’iido ma ogiye wax dhib ah oo shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaray miyaa jira?” ayuu weydiiyay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha Ciidanka Badda Soomaaliyeed ku boorriyay inay u diyaar garoobaan mas’uuliyad ballaaran oo ku aaddan ilaalinta biyaha dalka iyo marin-biyoodka ganacsiga ee gobolka.
Xarumaha cusub ee Ciidanka Badda ee Muqdisho
Mashruucan ayaa ka kooban talis cusub oo uu yeelanayo Ciidanka Badda, Xarunta Isku-dubbaridka Hawlgallada Badda, iyo goobo loogu talagalay maaraynta maraakiibta iyo gaadiidka oo laga dhisayo Xerada Barbaros, halkaas oo ay ka hawlgalaan ciidanka badda ee Turkiga.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, Janaraal Selcuk Bayraktaroglu, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyo mas’uuliyiin sare oo rayid iyo ciidanba leh oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Xarumahan ayaa loogu talagalay inay xoojiyaan hoggaanka ciidanka badda, awoodda hawlgal, iyo kartida ay Soomaaliya u leedahay ilaalinta biyaha qarankeeda.
Si kastaba ha ahaatee, Ankara ayaa sheegtay in wada-hadallo ay weli u socdaan mas’uuliyiinta Soomaaliya,kuwaas oo ku saabsan baaxadda xarumaha, jadwalka dhammeystirkooda, iyo waajibaadka gaarka ah ee Turkiga. Lama shaacin miisaaniyadda dhismaha iyo xilliga rasmiga ah ee la filayo in la soo gabagabeeyo.
Ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga badda
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sannadkii 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi difaac iyo dhaqaale oo soconaya muddo toban sano ah, kaas oo ballaariyay kaalinta Ankara ee horumarinta awoodda amniga badda ee Soomaaliya.
Heshiisku wuxuu dhigayaa iskaashi lagu ilaalinayo xeebaha dhaadheer ee Soomaaliya lagulana dagaallamayo khataraha badda, iyadoo dhinaca kalena la taageerayo dhismaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha. Waxa uu sidoo kale hiigsanayaa xoojinta awoodda Soomaaliya ee maaraynta iyo ka faa’iideysiga khayraadka ku jira biyaha dalkeeda, oo ay ku jiraan kalluunka iyo khayraadka kale ee badda.
Ankara ayaa noqotay mid ka mid ah saaxiibbada difaaca ee ugu dhow Muqdisho, iyadoo bixisa tababarro milatari, qalab, iyo taageero farsamo xilli Soomaaliya ay dib u dhisayso hay’adaheeda amniga.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku celisay go’aankeeda ku aaddan sii wadista taageeradaas, iyadoo sheegtay in Turkigu uu sii wadi doono garab-istaagga Soomaaliya si ay u yeelato awood ay ku xaqiijiso amnigeeda, xasilloonideeda, iyo horumarkeeda dhaqaale.
Tallaabooyinkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya muhiimadda sii kordheysa ee amniga badda uu ku leeyahay xiriirka Muqdisho iyo Ankara, xilli Soomaaliya ay ku hawlan tahay dib-u-dhiska ciidankeeda badda, ilaalinta khayraadkeeda, iyo sugidda amniga marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamka.














