Iskaashiga Tamarta ee Shiidaalka iyo gaaska dabiiciga ee Turkiga iyo Soomaaliya
TURKIGA
5 daqiiqo akhris
Iskaashiga Tamarta ee Shiidaalka iyo gaaska dabiiciga ee Turkiga iyo SoomaaliyaIskaashiga tamarta ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa fure u noqonaya khayraadka Shiidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dalkan Bariga Afrika kaasoo dib-u-qaabaynaya ahmiyadda juquraafiyeed iyo dhaqaale ee gobolka.
00:00
Markabka Oruç Reis ee cilmi baarista seismic ayaa ka ambabaxay Istanbul kuna socda Muqdisho. / AA
6 Meey 2025

W/Q: Nuri Aadan

Kaydka shidaalka Soomaaliya ayaa tobanaan sano ah ku jiray xaalad hakad ah sababo la xiriira qalalaase siyaasadeed.

Iskaashiga sii xoogeysanaya ee Soomaaliya la leedahay Turkiga, oo hadda ah maalgaliye lafdhabar u ah horumarka Soomaaliya horeyna, ayaa dib u qaabeynaya mustaqbalka tamarta ee dalkan ku yaalla Bariga Afrika.

Tan iyo markii uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho sannadkii 2024-kii, markabka Turkiga ee Oruç Reis oo dhererkiisu dhan yahay 285 cagood , oo uu kabtan u ahaa Yasar Ozkan, wuxuu ahaa muuqaal caan ah oo ka baxsan xeebaha Soomaaliya isagoo sameynaya sahanno seismic ah oo muhiim u ah sahaminta shidaalka.

Khubaradu waxay u arkaan dhaqdhaqaaqan inuu calaamad u yahay billowga waa cusub oo muujinaya muhiimadda juqraafi siyaasadeed iyo dhaqaale ee guud ahaan Geeska Afrika.

Sanadkii hore ujeedka kaliya ma ahayn in la qiyaaso suurtagalnimada lagu soo saari karo kaydka shidaalka badaha ee aan weli la taaban ee Soomaaliya, balse hindisaha Turkigu wuxuu albaabada u furay iskaashi muddo dheer socon kara oo ay ka wada faa’iidaan labada dhinac.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Ankara 10-kii Abriil, iyagoo ballaariyay iskaashigooda tamarta kuna soo daray sahamin dhinaca berriga ah, oo lagu samaynayo saddex goobood oo wadarta bedkoodu dhan yahay ku dhowaad 16,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Heshiiskaas wuxuu u ogolaanayaa shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO) in ay baaritaano seismic ah ka bilowdo gudaha dalka, iyadoo kadibna qodista shiidaalka la bilaabi doono haddii xogta hordhaca ahi ay noqoto mid rajo leh.

Xaaladda Hakadka ah

Sheekada ah in Soomaaliya aysan ka faa’iidaysan kheyraadka shidaalka waxay soo socotay muddo tobanaan sano ah.

Sahanadii hore ee la sameeyay xilligii gumeysiga iyo madaxbannaanidii 1960-kii ka dib waxay muujiyeen in dalka uu leeyahay shidaal iyo gaas dabiici ah oo aad u badan kuna jira berriga iyo baddaba.

Tani waxay soo jiidatay shirkado shidaal oo waaweyn 1980-meeyadii, kuwaas oo qaar ka mid ah la siiyey rukhsado sahamin.

Laakiin dadaalladii hore ee bilowga ahaa dhammaantood way istaageen. Burburkii dowladnimada Soomaaliya ee 1991 ayaa sababay in gebi ahaanba ay meesha ka baxdo daneyntii caalamiga ahayd,
iyadoo ay jireen dagaallo, kala daadsanaan hay’adeed iyo go’doon caalami ah.

Tobanaan sano kadib, xiisaha shidaalka Soomaaliya ayaa dib u soo laba kacleeyay markii la helay xog hordhac seismic 2D ah oo muujisay jiritaanka kayd shidaal badan oo ku jira badda Soomaaliya.

Hase yeeshee, xasillooni darrada,
la'aanta qaab-dhismeed sharci oo hufan iyo kala qaybsanaanta awoodda maamul ayaa wali caqabad ku ah in shirkado waaweyn ay ku dhiirradaan.

Doorka Turkiga

Kobaca saameynta Turkiga ee Soomaaliya waxaa uu bilowday 2011-kii, markii Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdoğan uu booqday Muqdisho xilli abaar daran ay ka jirtay — isagoo noqday hoggaamiyihii aan Afrikaan ahayn ee ugu horreeyay ee dalka yimaada muddo labaatan sano ah.

Tan iyo markaas, Turkiga wuxuu Soomaaliya geliyay in ka badan US $1 bilyan, wuxuuna taageeray dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, garoomada iyo dekedaha.

Saldhigga milatari ee TURKSOM ee Muqdisho, oo ah xarunta milatari ee ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda, ayaa sidoo kale muujinaysa xiriirka amni ee sii xoogeysanaya.

Xiriirkaasi ayaa sannadihii la soo dhaafay sii kobcayey, iyadoo Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar uu yiri: “Waxaan dooneynaa in aan ka qayb qaadanno horumarka shacabka Soomaaliyeed, oo aan xoojino saaxiibtinimada annaga oo maalgashi ku sameynayna shidaalka, gaaska, macdanta iyo korontada.”

Heshiiska is-afgaradka ee u dhexeeya dowladaha oo lagu kala saxiiday magaalada Istanbul 7dii Maarso 2024, ayaa calaamad u ahaa meel-marinta iskaashi taariikhi ah. Heshiiskan wuxuu shirkadda TPAO siiyay rukhsado sahamin saddex goobood oo muhiim ah oo ka mid ah gudaha badda Soomaaliya.

Inkasta oo saddexdan goobood ay yihiin kaliya qeyb ka mid ah 216-ka goobood ee shidaalka Soomaaliya, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa sheegay in tani bilaw u tahay hawlo waaweyn.

“Gobolka Soomaaliyeed oo muddo dheer lagu xusuustay colaad, xasilooni darro iyo gaajo, wuxuu hadda u dabaaldegi doonaa horumar dhaqaale iyo barwaaqo kadib sahaminada Oruç Reis. Waxaan aaminsanahay in war wanaagsan laga heli doono hawlaha sahanka ee xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan isagoo hadal ka jeedinayey sagootintii markabka Oruç Reis ee Oktoobar 2024.

Horaantii bisha Abriil 2025, Turkigu wuxuu sheegay in sahankii 3D-ga ee xeebaha laga sameynayay 78% la dhammeystiray.

“Tani waa markii ugu horreysay ee si dhab ah loo baarayo shidaalka Soomaaliya. Ma dhayalsan karno faa’iidada ay leedahay qaadidda tallaabada ugu horeysa. Annagoo taageero ka helayna Turkiga, Soomaaliya waxay noqon doontaa dal si buuxda uga duwan sida dunidu u aragto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saameynta Istiraatiijiyadeed

Xiriirka iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya waa mid dhaafsan maalgelin dhaqaale oo keliya. Bishii Febraayo 2024, heshiis iskaashi dhanka difaaca ah oo ay wada gaareen labada dal ayaa siiyay Turkiga door ku aaddan ilaalinta Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), taasoo beddelkeeda ay heli karaan ilaa 30% dakhliga ka soo baxa badda ka dib soo saarista kheyraadka shiidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Tani kaliya Turkiga kama dhigayso maalgaliye xagga tamarta, balse waxay siinaysaa awood badeed oo muhiim u ah marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badweynta Hindiya sida lagu sheegay mabda’a ku dhisan wada guuleysiga Afrika ee “Win-Win Africa”. Istiraatijiyadani waxa ay xiriirka diblomaasiyadeed u beddeshaa natiijooyin muuqda oo istiraatiiji iyo dhaqaale ah oo waqti dheer soconaya.

Iyadoo markabka Oruç Reis uu sii wado ururinta xogta sahanka, kooxaha shaqada wadana ay bilaabeen diyaarinta goobaha sahminta ee wajiga xiga, Soomaaliya iyo Turkiga waxay u muuqdaan inay ka dhabeeynayaan bilowga iskaashigan.

XIGASHO:TRT Afrika
Raadi Warar Kale
Turkiga iyo Itoobiya oo Addis Ababa ku xusay boqol sano oo xiriir diblomaasiyadeed ah
Turkiga iyo Itoobiya oo iska kaashanaya horumarinta mashaariicda tamarta la cusboonaysiin karo
Erdogan: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ma ahan mid cidna u adeegaya
Bisha Cas ee Turkiga oo gargaar cunto u qaybisay in ka badan 1,000 qoys oo barakacayaal ah: Suudaan
Madaxweyne Erdogan oo ku wajahan Itoobiya booqashadiisii ugu horreysay in ka badan 10 sano
Turkiga oo cambaareeyay la wareegista Israa’iil ee dhulka Daanta Galbeed ee la haysto
Erdoğan oo guul u rajeeyay shaqaalaha markabka shiidaal qodista Çağrı Bey oo ku sii jeeda Soomaaliya
Turkiga oo u diray Soomaaliya markabka qodista shiidaalka gunta dheer ee badda
Turkiga iyo Giriigga oo hiigsanaya koror ganacsi oo gaaraya $10 bilyan, iyagoo sii wada wadahadalka
Madaxweynaha Turkiga oo Wasiirro cusub u magacaabay Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Gudaha
Madasha Istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Afrika: Soomaaliya oo si mug leh uga qaybgashay
Turkiga oo martigeliyey wadahadal istiraatiiji ah oo uu la yeeshay dalal Afrikaan ah
Turkiga oo cambaareeyay weerar dhimasho sababay oo RSF ku qaadeen dad barakacayaal ah dalka Suudaan
Erdogan: Dhulgariirradii Turkiga ka dhacay 2023-kii ayaa sababay khasaare gaaraya $250 bilyan
Erdogan oo xusay sannad-guurada dhulgariirka sheegayna in Turkigu fuliyey ballanqaadkii dib-u-dhiska
Sida gaari cas oo ka yimid Azerbaijan uu u noqday astaanta midnimada Turkida ee dhulgariirkii 2023
Turkiga oo kordhiyay taageerada militari ee cirka iyo dhulka ee Soomaaliya ee dagaalka argagixisada
MW Erdogan oo dhiggiisa Masar Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga korontada ee Turkiga ee Togg
MW Erdogan iyo Amiir Bin Salmaan oo mar kale xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Turkiga oo ballanqaaday taageero dheeri ah oo uu la garab taagan yahay Suudaan