Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay kaalinta wax-ku-oolka ah ee dowladda Turkiga ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidanka Badda Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashiga istiraatiijiga ah ee Muqdisho iyo Ankara uu dalka u horseeday guulo la taaban karo.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu dhagax-dhigayay dhismaha xarumaha Ciidanka Badda ayaa bogaadiyay madaxda dowladda, Wasaaradda Gaashaandhigga, talisyada ciidamada, hay’adaha amniga, iyo culimada Soomaaliyeed ee ku adkaystay sidii mashruucani u hirgeli lahaa, inkastoo baraha bulshada iyo suuqyada lagu faafiyay warar been-abuur ah oo lagu kicinayay caadifadda shacabka.
Baaxadda badda iyo baahida loo qabo ciidan badeed awood lehMadaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay badda ugu dheer qaaradda Afrika marka laga yimaado jasiiradda Madagaskar, isagoo tilmaamay in bedka badda Soomaaliya uu saddex jeer ka weyn yahay dhulkeeda.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in baaxaddaasi ay lagama maarmaan ka dhigayso in Soomaaliya ay yeelato ciidanka badda ee ugu ballaaran, ugu qalabaysan, uguna xoogga badan gobolka.
Madaxweynaha ayaa xusay in muddadii uu maqnaa ciidan badeed awood leh ay Soomaaliya la kulantay khasaare baaxad leh, oo ay ka mid yihiin boobka khayraadka badda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, xaalufinta, wasakheynta, iyo dembiyo kale oo ka dhacay biyaha dalka.
“Xoolaheennaa la dhacay, si aan waliba caqli iyo qawaaniin iyo nidaam ku salaysnayn ayaa loo boobay, waa la xaalufiyay badda, waa la wasakheeyay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ahmiyadda istiraatiijiga ah ee amniga badaha SoomaaliyaMadaxweynaha ayaa caddeeyay in sugidda amniga badaha Soomaaliya aysan ahayn oo keliya mas’uuliyad qaran, balse ay si toos ah ugu xiran tahay xasilloonida qaaradda Afrika, Geeska Afrika, iyo badqabka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee caalamka.
“Amnigeennaa ku xiran ilaalinta baddeenna. Amniga qaaradda Afrika iyo gobolka Geeska Afrika ayaa ku xiran ilaalinta baddeenna. Amniga adduunka, ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee adduunka ayaa ku xiran baddeennu inay ammaan ahaato,” ayuu yiri, isagoo adkeeyay in mas’uuliyadda koowaad ay saaran tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si baddu ay dunida ugu furnaato iyadoo la raacayo qawaaniinta caalamiga ah.
Difaacidda heshiiska iskaashiga ee Soomaaliya iyo TurkigaXasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay beesha caalamka taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinacyada bini’aadannimada, siyaasadda, dowlad-dhiska, iyo amniga, balse waxa uu si gaar ah u ammaanay doorka muuqda ee dowladda Turkiga.
Isagoo dib u xusuustay dooddii iyo dhaliilihii ka dhashay heshiiska amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, iyo siyaasadda ee Soomaaliya iyo Turkiga markii la horgeeyay Baarlamaanka Federaalka, ayuu sheegay in fasiraadihii khaldanaa iyo hadalladii been-abuurka ahaa ee la faafiyay aysan rumoobin.
“Ilaa iyo maanta, walaalayaal, faa’iido ma ogiye wax dhib ah oo shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaray miyaa jira?” ayuu weydiiyay madaxweynuhu, isagoo shacabka Soomaaliyeed ka dhigtay marqaati nool.
Waxa uu tilmaamay in Turkigu uu Soomaaliya ku taageerayo xoog, caqli, iyo hanti, isagoo uga digay shacabka inaan mar kale lagu marin-habaabin warar been-abuur ah iyo khatar aan jirin.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhallinyarada iyo saraakiisha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, ugu baaqay inay u istaagaan gudashada waajibaadka qaran ee dastuurka iyo shacabku ku aamineen.
“Mas’uuliyadda idin saaran waa ballaaran tahay, waa xooggan tahay, waa mug weyn tahay; waa mas’uuliyad baahida Soomaaliya ka weyn oo baahida gobolkan Geeska Afrika iyo baahida caalamka oo dhan ay dusha idinka saaran tahay,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Waxa uu u xaqiijiyay ciidamada inay heli doonaan garab-istaag buuxa oo ka imaanaya dowladda, shacabka Soomaaliyeed, iyo saaxiibbada caalamka ee jecel guusha Soomaaliya.















