| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Bariga Liibiya, Khaliifa Xaftar
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Ankara ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Bariga Liibiya, Khaliifa Xaftar, iyo wafdi uu hoggaaminayo
Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Bariga Liibiya, Khaliifa Xaftar
Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Bariga Liibiya, Khaliifa Xaftar / Anadolu Agency (Wire)
 

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Arbacadii Qasriga Madaxtooyada ee caasimadda Ankara ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Liibiya ee fadhigoodu yahay bariga dalkaas, Khaliifa Xaftar, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo albaabbadu u xirnaayeen ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Mas’uuliyiinta kulanka goob joogga ka ahaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hakan Fidan, Wasiirka Gaashaandhigga Qaranka, Yasar Guler, Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka (MIT), Ibrahim Kalın, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Selcuk Bayraktaroglu.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qaybgalay Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada, Burhanettin Duran, iyo La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha, Akif Cagatay Kilic.

Ilaa hadda, labada dhinac midkoodna ma shaacin ajandaha kulanka, qodobbada ay ka wada hadleen ama natiijooyinka ka soo baxay wadahadallada.

 

XIGASHO:َAA