Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay fiidnimadii Talaadada ku ansixiyay hindise-sharciyeedyada wax-ka-beddelka Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, si loo waafajiyo Dastuurka dalka.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyay 23 qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo siddeed qodob oo ka tirsan Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wax-ka-beddelkan lagu saleeyay dhaqangelinta Dastuurka Jamhuuriyadda, maadaama xeerarkan la ansixiyay ka hor ansixinta dastuurka.
Wax-ka-beddelka hannaanka doorashooyinka
Qodobbada ugu muhiimsan ee wax laga beddelay waxaa ka mid ah hannaanka lagu soo dooranayo madaxda iyo xubnaha goleyaasha heerarka kala duwan ee dowladda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, shacabka Soomaaliyeed ayaa si toos ah u soo dooran doona xubnaha goleyaasha deegaanka, wakiillada dowlad-goboleedyada iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Hase yeeshee, madaxda heerarka kala duwan ee dowladda, laga bilaabo guddoomiyeyaasha degmooyinka ilaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa dooran doona goleyaasha ay shacabku soo doortaan.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale isku raacay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha uu awood u yeesho dejinta habab lagu fududeynayo diiwaangelinta iyo codbixinta muwaadiniinta, iyadoo la raacayo qodobbada dastuurka ee arrimahaas khuseeya.
Shuruudaha cusub ee xisbiyada siyaasadda
Wax-ka-beddelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa dhigaya in urur siyaasadeedkii hela boqolkiiba 10 codadka doorashada heer federaal uu si rasmi ah u noqonayo xisbi qaran.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay in ururrada siyaasadda ay musharraxiintooda xildhibaannimo ku soo gudbiyaan habka loo yaqaan Diiwaanka Xiran.
Hannaankan ayaa dhigaya in codbixiyeyaashu ay u codeeyaan liiska musharraxiinta ee urur ama xisbi siyaasadeed, halkii ay si gaar ah ugu codeyn lahaayeen musharrax kasta.
Soomaaliya oo ansixisay heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (OHCHR), kaas oo ku saabsan aasaasidda xarun uu xafiisku ku yeesho Soomaaliya.
Heshiiska oo golaha horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka ayaa dhigaya in la dhawro xasaanadda diblomaasiyadeed ee hawlwadeennada xafiiska, kuwaas oo taageero iyo wada-shaqayn la yeelan doona hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
War-saxaafadeedka xukuumadda laguma sheegin xilliga hindise-sharciyeedyada wax-ka-beddelka xeerarka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadda la horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.













