| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Ciidamada Suudaan oo Sheegay inay Diyaarad aan Duuliye Lahayn ku Soo Rideen Koonfurta Kordofan
Ciidamada Suudaan ayaa sheegay in difaaca cirka uu soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sugneyd galbeedka magaalada Kadugli ee gobolka Koonfurta Kordofan.
Ciidamada Suudaan oo Sheegay inay Diyaarad aan Duuliye Lahayn ku Soo Rideen Koonfurta Kordofan
Ciidamada Suudaan oo Sheegay inay Diyaarad aan Duuliye Lahayn ku Soo Rideen Koonfurta Kordofan / Anadolu Agency
 

Ciidamada Suudaan ayaa Khamiistii sheegay in difaaca cirka ee ciidamadooda uu soo riday “diyaarad cadowgu leeyahay oo aan duuliye lahayn” galbeedka magaalada Kadugli ee gobolka Koonfurta Kordofan, oo ku yaalla koonfurta Suudaan.

Bayaan ay soo saareen ciidamada ayaa lagu sheegay in difaaca cirka uu “qabtay oo soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo nooceedu yahay FH-95 saacadihii hore ee Khamiista.”

Bayaanka laguma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan diyaaradda ama duruufaha ku xeeran dhacdada.

Soo ridista diyaaradda ayaa timid maalin kadib markii urur u dooda xuquuqda aadanaha uu sheegay in weerarro ay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof oo rayid ah, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 25 qof oo kale, gobolka Blue Nile ee koonfur-bari Suudaan.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaa qarxay bishii Abriil 2023, kadib khilaaf ka dhashay ku biirinta ciidamada RSF ee ciidamada rasmiga ah ee dalka. Colaadda ayaa galaaftay nolosha tobannaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

XIGASHO:Anadolu Agency