Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa daahfuray Sahanka Miisaaniyadda Furan ee Soomaaliya (OBS) 2025, isagoo soo bandhigay natiijooyinka iyo talooyinka muhiimka ah ee looga gol leeyahay xoojinta hufnaanta miisaaniyadda, ka qeybgalka dadweynaha iyo kormeerka wax ku oolka ah ee maaliyadda dowladda.
Daahfurka sahankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta hannaanka diyaarinta miisaaniyadda dowladda, laguna dhiirrigelinayo ka qeybgalka dadweynaha ee go’aannada la xiriira miisaaniyadda.
SHEEKOOYIN KALE
Sahanka ayaa soo bandhigaya natiijooyin iyo talooyin lagu horumarinayo helitaanka macluumaadka miisaaniyadda ee dadweynaha, ka qeybgalka muwaadiniinta iyo xoojinta doorka kormeer ee Baarlamaanka.
XIGASHO:SONNA















