Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii booqday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, si uu u qiimeeyo howlaha wasaaradda iyo adeegyada ay bulshada u fidiso.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweynaha ayaa la kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda iyo wakiillo ka socday beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo la wadaagay walaacyadooda iyo talooyinkooda ku saabsan kordhinta wax-soo-saarka beeraha dalka iyo wax ka qabashada caqabadaha la xiriira suuqgeynta iyo iibinta wax-soo-saarkooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay horumarinta howlaha ganacsiga, ilaalinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo abuurista jawi ammaan ah oo ku habboon howlaha ganacsiga.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la isku dheellitiro tallaabooyinka lagu sugayo amniga qaranka iyo fududeynta isu socodka badeecadaha iyo howlaha ganacsiga.















