| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, oo xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Effendi.
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga / SONNA
 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa xarunta wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Effendi.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa dib u xaqiijiyay taageerada ay u hayaan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Wadahadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sii adkaynta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan danaha muhiimka ah.

Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, iyagoo sidoo kale is-dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha iyo isbeddellada ka socda gobolka iyo guud ahaan caalamka.

XIGASHO:SONNA