| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay xaaladda garoonka diyaaradaha Beledweyne
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, oo ka hadlay xaaladda amni ee garoonka diyaaradaha Beledweyne iyo dadaallada lagu fududeynayo adeegyada duulimaadyada.
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay xaaladda garoonka diyaaradaha Beledweyne
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay xaaladda garoonka diyaaradaha Beledweyne / SONNA
 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda ka taagan garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay muhiimadda uu garoonku u leeyahay isu-socodka iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Wasiirka ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan xirin garoonka diyaaradaha Beledweyne, balse ay si gaar ah ula socon doonto xaaladdiisa inta laga xaqiijinayo sugidda amniga goobta.

Maxamed Faarax Nuux ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada laga saaro garoonka, lana abuuro jawi ammaan ah oo kalsooni gelinaya shirkadaha duulimaadyada iyo dadka safarka ah.

XIGASHO:SONNA