Kenya iyo Zimbabwe ayaa kala saxiixday toddoba heshiis oo is-afgarad ah oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee labada dal, kaddib kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa Madaxtooyada Nairobi ku soo dhoweeyay dhiggiisa Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya.
Heshiisyada la kala saxiixday waxaa ka mid ah iskaashi ku saabsan dhismaha guryo qiimahoodu jaban yahay, horumarinta qalabka dhismaha iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo tiknoolajiyadda dhinaca guryeynta.
Xoojinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha
Si loo ballaariyo ganacsiga labada dal, Kenya iyo Zimbabwe ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga iyo is-kaalmeynta arrimaha kastammada.
Waxaa sidoo kale heshiis wada-shaqayneed kala saxiixday Hay’adda Horumarinta Dhoofinta iyo Suuqgeynta Kenya iyo Hay’adda Horumarinta Ganacsiga Zimbabwe (ZimTrade), si loo ballaariyo fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga labada dal.
Heshiisyada kale ayaa ku saabsan iskaashiga wakaaladaha wararka ee labada dal, tababarka diblomaasiyiinta, arrimaha socdaalka, fanka, dhaqanka iyo hiddaha.
Iskaashiga dhinaca warbaahinta ayaa dhex mari doona Wakaaladda Wararka Kenya (KNA) iyo Wakaaladda Wararka Zimbabwe (ZIANA), halka iskaashiga diblomaasiyadeed uu dhex mari doono machadyada labada dal ee qaabilsan tababarka diblomaasiyiinta.
Kenya iyo Zimbabwe ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirkooda dhaqaale, dhisidda dhaqaale u adkeysan kara caqabadaha iyo ballaarinta fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Nairobi iyo Harare.















