| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Dhuusamareeb oo martigelinaysa Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya
Magaalada Dhuusamareeb oo lagu wado inay martigeliso Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, taas oo diiradda lagu saarayo maareynta masiibooyinka, soo kabashada iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani’aadannimo.
Dhuusamareeb oo martigelinaysa Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya
Dhuusamareeb oo martigelinaysa Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya / SONNA
 

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka socda diyaar-garowga ugu dambeeya ee qabsoomidda Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF), oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA).

Madashan oo la qabto afar jeer sannadkii ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka kala socda wasaaradaha u qaabilsan gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo sidoo kale xubno ka tirsan hay’adda SoDMA.

Ajandaha shirka ayaa xoogga saaraya qiimeynta xaaladda bani’aadannimo ee dalka, horumarinta hababka maareynta masiibooyinka, dardargelinta dadaallada soo kabashada iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka saameeya bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa faahfaahin ka bixiyay qabanqaabada iyo diyaar-garowga loogu jiro qabsoomidda madashan.

XIGASHO:SONNA