| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamza oo isbeddel ku sameeyay xilalka laba wasiir ku-xigeen
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo magacaabis cusub ku sameeyay wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo isbeddel ku sameeyay xilalka laba wasiir ku-xigeen
Ra’iisul Wasaare Xamza oo isbeddel ku sameeyay xilalka laba wasiir ku-xigeen / SONNA
 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa isku beddelay xilalka laba wasiir ku-xigeen oo ka tirsan xukuumadda, isaga oo adeegsanaya awoodaha uu siinayo qodobka 120-aad, farqadihiisa labaad iyo saddexaad ee Dastuurka dalka.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhigaya in Idiris Cismaan Xaaji Cali uu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, halka Xuseen Cali Xaaji uu qabanayo xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Labada mas’uul ayaa lagu wargeliyay inay si dhaqso leh ula wareegaan waajibaadkooda cusub, isla markaana xoogga saaraan dardargelinta howlaha loo igmaday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kula dardaarmay inay xilalkooda u gutaan si hufan, xilkasnimo iyo masuuliyad ku dheehan tahay.

XIGASHO:SONNA