| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo soo bandhigtay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah
Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qaybgalay shirka madaxda EAC, halkaas oo ay Soomaaliya ku soo bandhigtay baasaboorkeeda cusub.
Soomaaliya oo soo bandhigtay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah
Soomaaliya oo soo bandhigtay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah / Others
 

Soomaaliya ayaa ku soo bandhigtay baasaboorkeeda cusub ee elektaroonigga ah shirka madaxda hay’adaha socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo Khamiistii lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wafdiga Soomaaliya u matalayay shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Qaasim Yuusuf.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray fulinta go’aannada Golaha Wasiirrada ee EAC, mideynta habraacyada socdaalka, aqoonsiga kaararka aqoonsiga qaranka ee dalalka xubnaha ka ah ururka, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta gobolka.

Intii uu shirku socday, Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa madaxda socdaalka ee dalalka EAC la wadaagay faahfaahinta baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad, kaas oo ku qalabaysan teknoolojiyad casri ah iyo astaamo amni oo heer sare ah, isla markaana ka tarjumaya aqoonsiga qaranka, hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii bishii Febraayo ee sannadkan, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tansaaniya ahna Wakiilka Joogtada ah ee EAC, Ilyaas Cali Xasan, uu dalka Tansaaniya ugu wareejiyay naqshadda rasmiga ah ee la ansixiyay ee baasaboorka EAC Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Agaasimihii Guud ee xilligaas ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafe Sheekh Axmed Dhuxulow.

Soomaaliya ayaa bishii Disembar 2025 heshay oggolaanshaha rasmiga ah ee daabacaadda baasaboorka Bulshada Bariga Afrika, ka hor inta aan loo gacan-gelin astaamaha naqshadda la ansixiyay.

Baasaboorka elektaroonigga ah ee EAC ayaa markii ugu horreysay la daahfuray Shirkii 17-aad ee Caadiga ahaa ee Madaxda Dalalka EAC 2-dii Maarso 2016, iyadoo loo qaybiyay saddex nooc oo kala ah: Diblomaasi, Adeeg (Service), iyo midka Caadiga ah. Baasaboorkan oo loo aqoonsan yahay dukumiinti safar oo caalami ah ayaa beddelay baasaboorradii hore ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika bishii Maarso 2024, iyadoo noqotay dalkii siddeedaad ee xubin ka noqda ururka, kaddib markii ay Xoghayaha Guud ee EAC ee xarunta Arusha, Tansaaniya, u gudbisay waraaqaha ansixinta heshiiska ku biirista. Tallaabadaas ayaa daba socotay ansixintii madaxda gobolka ee Shirkii 23-aad ee Arusha, kaas oo lagu aqbalay codsigii Soomaaliya ee soo socday muddo toban sano ah.

Dhanka kale, qiimeynta ugu dambeysay ee hay’adda Henley Passport Index, oo qiimeysa 199 baasaboor iyo 227 goobood oo la safro iyadoo lagu saleynayo dalalka fiiso la’aanta lagu tagi karo ayaa muujinaysa in baasaboorka Soomaaliya uu hadda ku jiro kaalinta 99-aad ee caalamka, iyadoo dadka haysta ay fiiso la’aan ku safri karaan 32 dal iyo deegaan.

XIGASHO:TRT SOMALI