Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa meel mariyay barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda Aayo-dhiska, kaas oo ka kooban shan tiir oo saldhig u noqonaya qorshayaasha iyo howlaha xukuumadda.
Barnaamijka oo ay Golaha Wasiirradu u gudbiyeen Baarlamaanka ayaa mudnaanta siinaya xaqiijinta dib-u-heshiisiin dhab ah iyo nabad waarta, iyo dhismaha nidaam dowladeed oo ku dhisan caddaalad, ku dhaqanka sharciga iyo maamul hufan.
Qorshaha siyaasadeed ayaa sidoo kale xoogga saaraya kobcinta dhaqaalaha, kordhinta wax-soo-saarka iyo ballaarinta fursadaha shaqo-abuurka.
Tiirarka kale ee barnaamijka ayaa waxaa ka mid ah tayeynta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, xoojinta daryeelka bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanka.
Shantan tiir ayaa saldhig u noqonaya jihada siyaasadeed iyo qorshayaasha horumarineed ee xukuumadda Galmudug.















