Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xoojinaya difaaca iyo sugidda amniga magaalo xeebeedka Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, kaddib markii ciidamada Yugandha ay wareejiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas.
Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), ayaa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose kulamo kula yeeshay saraakiisha hoggaamisa cutubyada ciidamada qaranka ee halkaas ka hawlgala.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amniga, xoojinta difaaca magaalada, diyaargarowga ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saraakiisha kulamada ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Taliyaha Guutada 21-aad ee Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Maxamed Axmed Cabdi (Lacag), iyo Taliyaha Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad, Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xorogaay).
Kormeerka taliyaha ayaa sidoo kale lagu qiimeynayaa heerka diyaargarowga ciidamada, baahiyahooda dhinacyada qalabka iyo saadka, iyo gudashada waajibaadka amni ee loo igmaday.
Ciidamada Soomaaliya oo la wareegay shan saldhig oo milateri
Qiimeyntan amni ayaa daba socota markii 15-kii Nofeembar ciidamada Yugandha ee AUSSOM ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku wareejiyeen shan saldhig oo milateri oo ciidamada Midowga Afrika ay hawlgalladooda ka fulin jireen gudaha iyo hareeraha Baraawe.
Wareejinta saldhigyadan ayaa tallaabo muhiim ah u ah geeddi-socodka ay Soomaaliya kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka, xilli ciidamada Midowga Afrika ay si tartiib tartiib ah u dhimayaan joogitaankooda Soomaaliya.
Ciidamada Yugandha ayaa gacan ka geysanayay sugidda amniga Baraawe tan iyo sannadkii 2014, markaas oo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay magaalada kala wareegeen Al-Shabaab.
Baraawe ayaa ka hor xilligaas ahayd mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, iyadoo kooxdu dekedda magaalada u adeegsan jirtay helitaanka sahayda iyo dhaqaale ururinta.
Saraakiisha milateriga Yugandha ayaa bogaadiyay wareejinta saldhigyada, hase yeeshee waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta guulihii laga gaaray sugidda amniga.
Waxay sidoo kale ciidamada Soomaaliyeed ugu baaqeen inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin bulshada deegaanka.
Yugandha oo qorsheynaysa inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya
Bixitaanka ciidamada Yugandha ee Baraawe ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo dalkaasi uu ku doonayo inuu ku soo afjaro joogitaanka ciidamadiisa Soomaaliya dhammaadka sannadka 2027.
Yugandha ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ciidamo nabad-ilaalin ah u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007, waxayna tan iyo xilligaas ka mid ahayd dalalka ciidamada ugu badan ku biiriya hawlgallada kala dambeeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Goobta istiraatiijiga ah ee ay Baraawe kaga taallo xeebta Badweynta Hindiya ayaa magaalada siinaysa muhiimad gaar ah oo dhinaca amniga ah, gaar ahaan sugidda amniga gobolka Shabeellaha Hoose iyo waddooyinka isku xira gobolka iyo caasimadda Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddaa dadaallo lagu tayeynayo awoodda ciidamada qaranka, iyadoo dalku isu diyaarinayo inuu si buuxda ula wareego mas’uuliyadda sugidda amnigiisa, isla markaana sii wado hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.



















