| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka arrinsaday dardargelinta iskaashiga labada dal
Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, iyo dhiggiisa Hindiya, Pabitra Margherita, oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqan-gelinta heshiisyada labada waddan.
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka arrinsaday dardargelinta iskaashiga labada dal
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka arrinsaday dardargelinta iskaashiga labada dal / SONNA
 

Horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya iyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiisyada ay labada dal wada gaareen ayaa udub-dhexaad u ahaa kulan dhexmaray Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, iyo dhiggiisa Hindiya, Pabitra Margherita.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa falanqeeyay hababka lagu hirgelin karo heshiiska is-afgarad ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Waxa kale oo ay ka wada hadleen dhismaha guddiyo farsamo oo labada waddan ka kooban, kuwaas oo ka shaqayn doona iskaashiga ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha qunsuliyadaha.

Labada mas’uul ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo heerka heshiisyada loona dhaqaaqo fulintooda, si iskaashiga Soomaaliya iyo Hindiya uu u horseedo natiijooyin muuqda oo ay ka faa’iidaystaan shacabka labada waddan.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Ciidamada Suudaan oo Sheegay inay Diyaarad aan Duuliye Lahayn ku Soo Rideen Koonfurta Kordofan
Ciidamada Eritrea oo Sheegay inay Iska Caabiyeen Weerar ka Yimid Itoobiya
Soomaaliya oo soo bandhigtay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah
Soomaaliya oo Garab Istaag u Muujisay Qatar Kadib Geerida Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Badda
Suudaan oo Su’aal Gelisay Dhexdhexaadnimada Itoobiya, Kana Hortimid Martigelinta Wadahadallada Nabad
Jabuuti iyo Madagaskar oo kala saxiixday saddex heshiis, kana wada hadlay iskaashiga badda
Kenya iyo Bakistaan oo ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga caafimaadka
Soomaaliya oo Fursadaha Dhaqaale ee Gobolka ku Soo Bandhigtay Madasha FORWARD 2027 ee Nairobi
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku Qaabilay Wasiirka Caafimaadka Indonesia
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay wax-ka-beddelka xeerarka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadda
Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka
Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee goleyaasha fatwada Islaamka
Madaxweynaha Masar iyo Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo wadahadallo ku yeeshay Qaahira
Turkiga oo Warsheekh ka hirgeliyay dugsi, kana dhagax dhigay isbitaal cusub
Soomaaliya oo Magaalada Hague kaga Qeybgashay Shirkii 31-aad ee Hay’adda Mamnuucidda Hubka Kiimikada
Madaxweynaha Uganda oo aqbalay casuumaad uu Soomaaliya ku imaanayo kaddib 16 sano
Tufaax ka baxay dhulka Soomaaliya oo rajo cusub u abuuray beeraleyda
Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay wadahadallada wareejinta amniga dalka
Soomaaliya oo shir caalami ah oo duulista hawada ah kaga qayb gashay Kanada
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo booqasho rasmi ah ku tagay Masar